Qiimaha iibka xoolaha oo saylada
Degmada Ceegaag ka gaadhay halkii ugu sareysay.
(Ceegaag,
November 08,
2010 Ceegaag Online)
Cabdi Saleebaan Raygal
& Nuur Ismaaciil
Dhageyso
Iyadoo Guud
ahaanba Qiimaha Xoolaha Soomaalidu sanadkani gaadhay Halkii
ugu Saraysay oo Dekadaha Magaalooyinka Waa Wayn ee Somalia
kuyaala laga Dhoofinayo xoolo farabadan oo laga qaatay
dhulka soomaalidu dagto ayaa qiimaha Xooluhu Waxay haatan
gaadheen halkii ugu saraysay Waxana inta badan Xoolaha
Gaadiidku ka Daabulayaa Degmooyinka tuulooyinka iyo Dhulka
Miyiga ahba oo Gaadiidku Xoolaha ka soo Qaadayo.
Degmada
Ceegaag Waxay kamid tahay Degmooyinka Xoolaha ugu badan laga
Dhoofiyo Waxana Qiimaha Needka adhiga ahi Gaadhay Halkii ugu
saraysan Sanadkani oo lagu kala iibsano Neefka ahminka ah
lacag dhan 1m 500kun Shilin
Somali oo u Dhiganta 50$ Doolar oo laga kala siisanayo
Saylada Xoolaha ee Degmada Ceegaag, sida uu Shabakada
Wararka Ceegaag.com u sheegay Cabdi Saleebaan Raygal oo
kamid ah Dilaaliinta Degmada Ceegaag oo Waraysi siinayey
Shabakada Ceegaag.com.
Cali dhagjar
Ceegaag
webmaster@ceegaag.com |